Milateriga Soomaaliland oo dhoolatus ciidan oo ay ugu diyaar garoobayaan xuska 18 May soo bandhigay

|

Awdal (KAAB TV) – Ciidamo katirsan milatariga maamulka Somaliland oo ku jira xerada Gorayo-cawl ee kutaalla gobolka Awdal ayaa sameeyay dhoolo-tus cajiib ah, oo ay ugu diyaar garoobayaan xuska 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen gooni u goosadka maamulka Somaliland.

Sidoo kale, ciidamada ku jira xerada ayaana sameeyay gaardo ka ciyaar nuucyo kala duwan ah, waxa ay sidoo kale ciidamada halkaasi kuoo bandhigeen awoodooda ciidan, iyagoona tilmaamay in ay diyaar u yihiin difaaca deegaannada maamulka Somaliland.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaana daawaday dhoolo-tuska ay ciidamada milatariga maamulka Somaliland ku sameeyeen xerada Gorayo-cawl ee gobolka Awdal.

Ugudambeyn, maamulka Somaliland ayaana si weyn u xusa 18-ka bisha May sannad kasta, taariikhan ayaana ah markii ay ku dhawaaqeen dowlad madax-bannaan oo ka goosatay Soomaaliya inteeda kale, inakstoo aysan wali helin aqoonsi rasmi ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News