Shir madaxeedka Africa iyo South Kuuriya oo saacada soo socdo ka furmaya magaalada Seoul

|

Seoul (KAAB TV) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb-galaya shir-madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Sidoo kale, Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa R/Wasaare Xamse waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khudbadiisa waxaa lafilayaa in uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin fursadaha maal-gashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo labo maalmood ah, isagoona inta badan diirada lagu saari doono xiriirka soo jireenka ah ee Koonfurta Kuuriya iyo dalalka Africa

Waxaa kaloo diirada lagu saari doonaa dhinacyada Ganacsiga, hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika.

Ugudambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa waxa shirkan kumatalaaya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxa uu kuln duceedyo laqaadan doonaa madaxda kasoo qeyb galeysa shirkan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News