Soomaaliya oo diyaarisay ciidamada badda si ay ula howlgalaan ciidamada badda ee Turkiga.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidamo badda oo la shaqeyn doona ciidamada Turkiga ee qorsheynaya in ay kaalintooda ka qaataan xoojinta xeebaha dalka kadib markii uu dhaqan galay heshiiska labada dal.

Sida uu dhigayo heshiiska dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada badda ee Turkiga Turkiga ayaa gacan ka geysan doona ilaalinta badda Soomaaliya iyo fududeynta tababarka iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa u sheegay warbaahintain Ciidamadan la diyaariyay maalmihii lasoo dhaafay lagana soo xulay Ciidamada Badda ee hadda ka diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababaro u socday dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Ciidamada Badda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay ka howlgalayay agagaarka xeebaha dalka sida Dekedda agagaarka garoonka diyaaradaha iyo meelaha kale ee ku dhow caasimadda ayaa hadda helaya fursado kala duwan oo ay ku howlgalaan.

Sida ay u sheegeen warbaahinta ilo-wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow Turkiga ayaa diyaarsaday doomo dheereeya iyo hub casri ah oo ay kula shaqeeyaan ciidamada si wadajir ah u ilaalin doona biyaha dalka.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu tababaro siiyo ciidamada badda, kuwaasoo isugu jira ciidamo cusub oo ay dowladdu doonayso inay shaqaaleysiiso iyo kuwo horay ugu howlgalayay iyagoo xoojinaya qaab-dhismeedka taliska.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca difaaca badda ah la gashay dalka Turkiga xilli Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxeexday 1-dii January Somaliland iyadoo Somaliland ay Itoobiya ka kiraynayso dhul aan bad lahayn oo 20km u jira xeebta ku hareeraysan dekedda. Berbera, oo ku taal gacanka Cadmeed muddo 50 sano ah dano ciidan iyo ganacsi.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa tilmaamay in Ciidamada Turkiga aysan kaliya ilaalin doonin Badda Soomaaliya balse ay tababari doonaan isla markaana ay qalabeyn doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed inta uu socdo heshiiska.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News