MUQDISHO (KAAB TV) – Xiisada Dagaal ee maalmihii ugu dambeysay ka jirtay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa yeelatay waji ka dib kale markii siyaabo iska horjeeda ay uga hadleen Masuuliyiinta maamulka Koour galbeed iyo mucaaradka maamulkaasi.
Masuuliyiinta Koofur galbeed waxay sheegeen in Maleeshiyaadka Bardaale kula dagaalamaya Ciidamadooda ay yihiin Alshabaab halka mucaaradka maamulka uu si weyn u beeniyay .
Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade oo Dowladii Farmaajo ka ahayd Wasiirka Haweenka ayaa ku eedeysay Madaxda sare ee Maamulka Koofur galbeed inay iyagu hurinayaan dagaalada ka jira degmada Bardaale ee gobolka baay.
Xaniifa Xaabsade waxay sheegtay in ciidamada Bardaale ku sugan ay yihiin macawisleyda deegaanka islamarkaana ay waligood alshabab la dagaali jireen,waxayna beenisay inay iyagu alshabab yihiin.
“Madaxda sare ee Maamulka Koofur galbeed ee waqtigoodu dhamaaday ayaa dabada ka riixaya colaada bardaale ka jirta iyagaana iska hor keenaya ciidamada dagalamaya”ayay tiri Xaniifa Xaabsade oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Maamulka uu hogamiyo C/casiis Laftagareen
wararku waxay intaasi ku darayaan in xiisadaani laga cabsi qabo inay si toos ah isugu badasho maamulka iyo mucaaradka oo aan isku fiicneyn madaama maamulku sheeganayo inuu Alshabaab kula dagaalayo degmada Bardaale ee gobolka baay.

