Sitimaankan waxaa hadalhaynta fanka ee baraha bulshada Soomaalida hibo ku muquunisay xiddig da’ yar oo jaho Hargaysa ka soo hillaacday.
Samsam, masraxa fankeenna heesaha oo muddo tobanguuro ku sii siqaysa ku jira xaalad hoobasho iyo habacsanaan ah ayay kala dhex oogsatay hoobalnimo cosob ah oo hididiilo iyo filanwaa’ ku beertay hiyiga fanku-noosha.
Cajalad aysan weli Astaan wada baahin oo ay daaddihinayso ruugcaddaa Nimco Samriye ayaa Samsam nagula barayaa ayadoo ay galbinayaan kooxda Astaan Music Hargaysa oo uu calanka u sido macallin Nuuraddiin Cali Ammaan.
Kooxdan oo uu markalana udubdhexaadka u yahay Shacbaan Isko waxay dhiggooda Astaan Xamar uga horreeyaan dhanka farsamada codqabashada iyo isku-dheellitirka jabaqda dhoomaha muusigga heesta. Waana aqoon iyo tayo faneed oo uu ku maammuusan yahay Shacbaan.
Inkastoo kooxda Astaan Muqdisho cajaladdii u dambaysay ee ay dhawaan Lafoole ka qabteen dhan kasta ka ahayd shaqo-faneed oo ashqaraarkeeda leh.
Haddaba Samsam kooxdaas jilbo-culusta ah ayay cawo u heshay in ay marag ka noqdaan curashada heesaannimadeeda. Kuma dheeraanayo kooxdan waxqabadkooda, waxaa si gooni ah horay qormo ugu falanqeeyay Aw Saahil oo ah faaqidaa suugaaneed.
Gedda ay u heestay hoobaladdan:
Habka ay masraxa iyo codbaahiyaha u soo gashay waxaa ka muuqatay kalsooni aan laga malaysan karin heesaa dhowaangal ku ah saaxada fanka sideeda oo kale.
Qaabka ay jaanta muusigga tin iyo cirib ula tallaabo qaadday waxay kuu waxyoonaysaa sida uu caashaqa fanku ugu tolan yahay gunta wadnaheeda. Golajoogsiga (stage presence) oo ah tayo weyn oo hoobalnimada lafdhabar u ah ayaad mooddaa in iyana Samsam saami libaax looga gooyay.
Waxaan dhihi karnaa marka hoobalnimada laga soo tago, marlaydani waxay dirtay dhambaal ay ku muujinayso in xaragadii, midabkii iyo miigganaantii lagu baadi-sooci jiray dhaddigga Soomaaliyeed dib u soo fufayaan kaddib waayo badan oo ay shiiqinayeen haybwareerka afkaaraha qalaad iyo hirarka eelka labo-baraadlayntu.
Dhanka codka, run ahaantii Samsam waxay leedahay luuq asiili ah oo dhaajin iyo dheegasho labadaba ka maran! Dhagacadde oo ah arday muusigga ku mamman waxna ka qora fankeenna ayaa Samsam ku faalleeyay sida ay luuqdeeda dabacsan ugu dhex milantay hirarka muusiggii lala hareer joogay ee boongaha, siimbaarta, kabanka, giitaarka iyo biyaanadaba lahaa.
Haddaba wayddiintu waxay tahay: Samsam-Qaniya hibadeeda dihan ee dhaladka ah ma u geeddayn doontaa golayaasha guud ee fankeenna casriga ah si ay horseed ugu noqoto hir cusub mise dhool gaaxday ayay noqon doontaa oo iyadoo madallada qaaciga iyo maalin-heeska telefishinnada ku lug xiran ayuu duugi doonaa dambaska hilmaanku?

