Garoowe (Kaab TV) – Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ku Eedeeyay isimada Dhaqanka gobolka Nugaal in aysan waxba ka qaban Dadka diidan doorashada seddexda Degmo.
Wasiir Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay inay Irdaha soo garaaceen isimada Dhaqanka gobolka Nugaal maalintii doorashada dhacaysay, si ay wax uga qabtaan cidda Garoowe kahor is taagsan iney doorashada ka dhacdo.
Wasiir Juxa ayaa Tilmaamay inay diyaar u yihiin in ay Wada hadal ka galaan wax kasta oo la tuhmayo oo ku saabsan arrimaha doorashada, balse wuxuu sheegay in aysan suurtagal ahayn in wax ka dhaxeeya Puntland loo dhigto isbaaro.
“Geed dheer iyo mid gaaban ba waan u kordhay in aysan dhibaato dhicin. Ma aysan suurto galin inay isimadu dadka kala dhex galaan, oo qabtaan cidda qaldan” ayuu yiri Juxa.
“Taas waa arrin aan kaa xunnahay in kaalintii loo baahnaa oo isimadu xilligii qabashada lahayd oo digniinta lahayd aysan ugu baraarugin,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeeyntii Wasiir Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay cidda dhibaatada ka wadda Magaalada Garowe inay yihiin afar wiil oo ilmo adeer ah oo uu sheegay inay doonayaan inay afduubtaan masiirka ummadda reer Puntland.
Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista dastuurka oo ay isku qabteen xukuumadda Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.