Maleeshiyaad hubeysan oo markale gobolka Mudug kulaayay dad isku qoys ahaa

|

Mudug (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu laayay dad shacab ah oo markale kadhacay gobolka Mudug.

Sidoo kale, wararka kasoo baxay weerarkaasi ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ey xalay weerar kuqaadeen dad isku qoys ahaa oo deganaa degmadda Saaxo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale, weerarka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay 5 qof halka ey kudhaawacmeen 6 kale sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali.

Dadka la beegsaday ayaa iskugu jirya Haween iyo Ragba kuwaas oo lasocday gaari sida uu Warbaahinta usheegay guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Guddoomiye Faysal Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi kudaray in lixda kale ee dhaawaca ey yihiin caa’ilada hoose gaari ayeyna saarnaayen waana wax lagu xumaado ayuu yiri Guddoomiye Faysal Sheekh Cali.

Dadka deegaanka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegeen in arrimaha noocan ah ay kusoo noqnoqdeen gobolka Mudug islamarkaana dhacdooyinka dhacdooyin kuwaan lamid ah ay horey ugu dheceen gobolka Mudug.

Guddoomiye Faysal Sheekh Cali ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta uu usheegay iney haatan wadaan baaritaan ku aadan falkaasi eyna cadaalada horkeeni doonan dadkii kadambeeyay falkaasi.

Ugudambeyn, Isbuucyo kahor ayey aheyd markii dhacdo tan lamid ah ay kadhacday meelo kamid ah gobolka Galgaduud taas oo lagu dilay wiil iyo Aabihiis sidoo kalana lagu dhaawacay Hooyadii qoyska kadib markii weerar aan lafileynin ey kusoo qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News